Dowlada oo soo bandhigtay Dagaalyahan kasoo goostay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa soo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, kaa oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga Dalka.

Cusmaan Cadow Xaaji oo katirsanaa Al Shabaab, ayaa lasoo goostay qoray AK-47 uu ku howlgalayay, waxaana ninkan la sheegay in uu xiriir lasoo sameeyay saraakiil katirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed kahor inta uusan isa soo dhiibin.

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu sanado badan kasoo tirsanaa Al Shabaab uuna kasoo dagaalamay gobolo ay kamid ahaayeen Baay, Bakool iyo Gedo, waxa uu sidoo kale ninkan sheegay in uu kasoo dagaalamay gudaha Kenya.

Ciidanka dowlada ayaa marar badan soo bandhigay xubno la sheegay in ay kasoo goosteen dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana ragan soo goosta qaarkood kamid noqdaan ciidanka dowlada ee isku soo dhiibeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -