Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo Arin Muhiim ah kala hadlay Taliska Booliiska Somalia & kan AMISOM (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Rooble ayaana kala hadlay taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kan ciidamada AMISOMĀ  fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa sidoo kale guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) ku booriyay howsha ay hayaan, waxa uuna kula dar daarmay in doorashada u qabtaan si cadaalad ah.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo, waxaana Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland dooranaya ergooyin lasoo xulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Maalinta la qabanayo dibed-baxa Midowga Musharaxiinta oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Hargeysa oo si qurux badan looga xusay munaasabada 26-ka Juun (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxaa ku qasbay Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia inuu been u sheego shacabka Soomaaliyeed?

admin
Taboola Ads ---