Donald Trump oo dacwad kusoo oogay Gabar uu adeer u yahay iyo Wargeys caan ah

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dacwad ka gudbiyay Gabar uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Mary Fred Trump iyo Wargeyska caanka ah ee New Yourk Times.

Donald Trump oo si weyn uga carooday warbixin la daabacay sanadkii 2018 oo shaki looga muujiyay canshur celintiisa ayaa go’aansaday in uu dacwad ka gudbiyo gabadha uu adeerka u yahay iyo Wariyaal katirsan Wargeysa New Yourk Times.

Dacwaddan uu gudbiyay Donald Trump ayaa gabadha uu adeerka u yahay iyo weriyeyaal ka tirsan wargeyska ku eedeyneysaa inay galeen qorshe khiyaano ah oo lagu raadinayo dokumentiyo xasaasi ah oo canshur celintiisa ku saabsan.

Gabadha uu adeerka u yahay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa la sheegay in kaalin weyn ka qaadatay raadinta warbixintan shakiga looga muujinayay canshuur celinta Madaxweyne Trump.

Mary Fred Trump, ayaana wali ka hadlin dacwadan uu ka gudbiyay adeerkeed, waxaana la filayaa in war kasoo saarto dacwadan, iyadoona horey loo shaaciyay in xiriirka kala dhaxeeya adeerkeed uusan wanaagsaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -