Doorashadii maanta ka dhici laheyd Jowhar oo dib loo dhigay & Muran soo shaac baxay

Waxaa dib loo dhigay doorashada afar ka mid ah kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabelle oo maanta lagu waday iney ka dhacdo magaalada Jowhar.

Dib u dhaca ayaa loo sababeynayaa buuq ka markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele ay u gacan qaadeen guddoomiye ku Xigeenka 1aad Siraaji Sheekh Isaaq oo lagu eedeynayo inuu ku gorgortamayo doorashada Seddax Kursi oo ka mid ah kuraasta harsan kuwaasoo salka kula jira Xulafo siyaasadeed.

Kursiga ay u tartamayaan Musharaxiinta kala ah Xassan Kubac iyo Abdinur Ibraahim Farey ayaa la sheegay in gacan ka hadalka uu ka dhashay, iyadoo kursigan uu ku fadhiyo Senator Cismaan Macow oo isna tartamaya.

Kursiga kale ee adag ayaa ah mid ay ku tartamayan musharixiin ay ka mid yihiin. Cabdalla Cabdi Xuseen iyo Cali Shacbaan Ibraahim kaasoo la sheegayo isna inuu xulafaysi salka kula jiro, waxaana kursigan baneynaya Senator aan hadda tartanka ku jirin.

Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay in go’aansadeen in doorashada kuraasta harsan dib loo dhigo illaa Sabtida sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -