Madaxweyne Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar kadib markii uu ku fashilmay tagista Baladweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku laabtay Magaalada Jowhar kadib markii uu ku guul dareestay in uu tago magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Xubno ka Tirsan Labada gole ee Dowlad Gobledka Hirshabelle iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ka warbixiyay socdaalkii shaqo ee uu ku tagay Degmada Cadale, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Muqdisho uga qeyb galay isagoo ugu dambeyn sheegay in todobaadka soo socdo hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashada Aqalka Sare.

Cali Guudlaawe ayaa tan iyo markii la doortay usuurto gelin in uu tago gobolka Hiiraan uu horey u sheegay in lagu caleema saarayo, waxaana Guudlaawe diidan beesha Xawaadle horey madaxweyne uga aheyd maamulkaasi.

- Advertisement -