Ciidamo Kenyan ah oo ku dhintay qarax lagula eegtay degaan hoos taga J/hoose

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose qarax ayaa lala eegtay ciidamada Kenya oo ku sugnaa degaanka Kulbiyow kaasoo geystay khasaare nafeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya, iyadoona la soo werinayo in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada Kenya, qaar kalena ku dhaawacmeen inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn tiradooda

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay rideen rasaas farabadan, sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah.

Ciidamada Kenya saraakiishooda iyo Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin qaraxan oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -