Haweeney Xaamilo aheyd oo loo dilay Sooryo laga dhiibi waayay Owgeed (Sawirro)

Haweeney xaamilo aheyd oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa si arxan daro ah loo dilay kadibna meydkeeda inta la jar jaray ayaa lagu aasay beer dhaxdeeda, dhacdadan ayaana noqotay mid dad badan ka fajaceen.

Kajol Arvind Singh, ayaa maalmo badan la waayay nolol iyo geeri halka ay ku dambeesay, hasa ahaatee baaritaano ay sameeyeen booliiska dalka Hindiya ayaa mar dambe lagu soo heley iyada oo la dilay kadibna meydkeeda oo la jar jaray oo beer dhaxdeeda lagu aasay.

Aabaha dhalay gabadhan ayaa sheegay in dilkan arxan darada ah ay ka dambeeyeen seyga gabadhiisa iyo xubno kale oo qoyskiisa katirsan, waxa uuna sheegay Aabahan in gabadhiisa loo dilay sooryo ama gabaatiga uu ka bixin waayay gabadhiisa.

Aabe Singh ayaa sheegay in wiilka soddoga u ahaa ee qabay gabadhiisa uu dalbaday in lacag sooryo ah oo ka badan 5,000 oo dollar laga siiyo Kajal,waxa uuna aabaha ku tilmaamay ninkaasi mid hunguri badan oo lacag doon ahaa.

Ciidamada booliiska gobolka Bihar, ayaa xabsiga dhigay ninka qabay Kajal iyo xubno kale qoyskiisa kamid ah oo dilkan lagu tuhmayo, waxa ayna booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaano qoto dheer.

Dhacdadan ka dhacday deegaanka Nonia Bigha ee gobolka Bihar ayaana dad baban ka caroodeen, waxa ayna dadkii ka falceliyay dhacdadan ku tilmaameen mid aan la aqbali karin oo loo baahan yahay in laga hortago falalka nuucaan oo kala ah.

Dowladda Hindiya ayaa sanadkii 1961 soo saartay xeer lagu mamnuucayo sooryo laga qaado dumarka, sidaa oo ay tahay, ayaa haddana weli waxaa deegaannada miyiga ah ku xooggan caadadan gabdhaha reerkooda ku bixinayaan suuryo iyo hadiyado kale oo qaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -