Maxamed C/Ladiif oo diiday in uu la ciyaaro Tartanka Olombikada Ciyaartoy Israa’iili ah

Dalka Japan waxaa ka socda tartanka Olombikada aduunka ay ka qeyb galayaan kumanaan ciyaartoy nuucyo kala duwan ah oo ka kala socoda Wadamada Caalamka, tartanka ayaana hada ku socda qaab xamaasad leh.

Legdan-yahan u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Maxamed C/Ladiif “Ifaaq” ayaa shalay qaadacay in uu la legdamo ciyaaryahan u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Towhar Botobolo.

Maxamed C/Ladiif iyo Towhar Batobolo ayaa ku balansanaa tartanka juudowga ama legdenka ,hasa ahaatee ciyaaryahanka u dhashay Sudan ayaan gabi ahaan soo xaadirin garoonkii ciyaartaasi ka dhici laheyd isaga oo diidanaa in uu la ciyaaro Towhar.

Wali kama aysan hadli n dhacdadan guddiga Olombikada Sudan , hadii ay tartami lahaayeen labadan ciyaaryahna ee kasoo kala jeeda Sudan iyo Israa’iil ayey noqo0n laheyd markii ugu hioreesay ay kulmaan ciyaartoy labada dal ka kala socota.

Laacib u dhashay dalka Algeria oo lagu magacaabo Fatxi Nurayni ayaa horey isna ui qaadacay in uu la tartmao ciyaaryahanka Israa’iil , waxa ayna labadan ciyaartoy ee kasoo kala jeeda Sudan iyo Al geria qaadeen talaabo Guddiga Ololbikada aduunka ka careesiisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -