Guddiga doorashada Federaalka oo kormeeray hoolka ay ka dhaceyso doorashada Kismaayo

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Faderaal Maxamed Xasan Ciro iyo xubnaha Guddiga oo maalmahan safar shaqo ku jooga magaalada Kismaayo ayaa kormeeray hoolka loo asteeyey in ay ka dhacdo codeeynta doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga SEIT Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo xubnaha Guddiga Baarlamaanka Jubbaland ee u qaabilsan qabashada doorashada Aqalka Sare ayaa wafdiga warbixin ka siiyay qaybaha kale duwan ee loo diyaariyey in ay ka dhacdo codaynta doorashada Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Faderaal Maxamed Xasan Ciro ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen, waxaana uu ku booriyay ina dar dargeliyaan howlaha horyaala.

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaanay weli caddayn xiliga ay rasmi ahaan u bilaabanayso iyadoo la filayey inay doorashadu dhacdo inta u dhaxaysa 25-28 July 2021.

Maamullada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaan weli daabicin liiska musharraxiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka Sare.

Sidoo kale, ma cadda xilliga diiwaan-gelinta loo samayn doono musharraxiinta iyo jadwalka khudbadaha musharraxiinta ay ka horjeedin doonaan Aqallada Baarlamaannada maamul goboleedyada oo iyagu soo dooran doona xubnahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -