Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Xil ka qaadistii Deg dega aheyd uu Rooble sameeyay

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadistii Raisul Wasaare Rooble ku sameeyay labo masuul oo katirsanaa Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqay hayadaha kala duwan ee dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed in la dhooro sharciga lagana fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac.

Xil ka qaadistii uu Raisul Wassaraha Soomaaliya ku sameeyay labo sargaal oo awood badan ku lahaa hay’adda NISA ayaa noqotay mid si weyn usoo dhaweeyeen siyaasiyiinta mucaaradka.

- Advertisement -