Dagaalyahan ka soo goostay Al-Shabaab oo ka sheekeeyey qiso murugo leh

Dagaalyahan ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka.

Wiilkan ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii al-shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay inuu la dagaalamo Al-Shabaab.

Calas Axmed Xirsi oo loogu yeeri jiray (Careys), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.

Waxaa uu sheegay inuu ka soo dagaalamay degaano ka Tirsan Galmudug oo uu kooxda kala shaqeynayay.

Dagaalyahankan soo baxsaday ayaa xusay in intii ku jiray kooxdan uu ahaa go’doon isla markaana aan loo ogoleyn inuu waalidkiisa xiriir la sameeyo.

Careys ayaa ka sheekeeyey dhacdo uu goobjoog u ahaa oo ku saabsan nin ka mida askarta Dowladda ka oo u gacan galay Al-Shabaab.

“Indhaha ayey shaarkiisa uga xireen kadib rasaas ayey ku fureen, waana ku dhiman waayey, kadib mid Al-shabaab ka mida ayaa la dul tegay qori oo madaxa ka toogtay, taas ayaa iigu naxdin badneyd, markey i arkeen inaan falkaas ka xumaaday ayey igu yiraahdeen “Ma Gaal murtad ah ayaad u calool xumaaneysaa,”, dhacdadaas waxay noqotay mid illaa hadda aan maskaxdayda ka go’in” ayuu yiri Calas Axmed Xirsi (Careys).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -