Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Mr. Atul Khare iyo wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Atul khare.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa warxbixin guud ka siiyey wafdiga xaalada guud ee deegaanadda koofur galbeed , asigoo sidoo kale xusay horumaradda laga sameeyey dhanka Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, Laftagareen ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Baay Mudane Cumar Balash oo maanta ka dhacday Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -