Haween ka tirsan Muslimiinta India oo lagula kacay xad gudub caro badan dhaliyey

Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baaraan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu xaraashay dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin.

Dhibaneyaasha ayaa ku sheegay dhacdadan inay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi

Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. waxaana xusid mudan in “Sulli” uu yahay eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah.

GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoonnada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha.

Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda.

Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay “in lagu iibinayo” online-ka, waxayna farta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeertay guutada internetka ee xagjiriin Hinduu ah oo sanadihii danbe sii badanayay.

In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiinta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisbiga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin marti ka ah dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -