Booliska Magalada Muqdisho oo caawa toogasho ku dilay nin qori ku hubeysnaa

Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney caawa toogasho ku dileen nin hubeysan oo fulin rabay weerar argagaxisanimo.

Falkan ayaa ka dhacay wadada Ex-Control Balcad ka dib markii ninkan oo ku hubaysnaa qori AK 47 ah uu isku dayey inuu weeraro Shaqaalaha dhisaya Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Ciidamada amaanka ee ilaalada ka haya shaqaalaha dhismaha ka wada jidkaas ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen inta uusan bilaabin weerarkan, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu watay Boorso la tuhunsan yahay iney ku jiraan waxyaabaha Qarxa , taasoo la baarayo hadda sida laamaha amaanku sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -