Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhaliil u jeediyey Madaxweynaha Galmudug

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ku dhaliilay dowlad Goboleedka Galmudug inuu yahay maamulka kaliya oo aan weli soo gudbin Liiskii laga sugayay ee bedelka xubnaha cabashada laga keenay ee Guddiga doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka codsanayo Madaxweyne Qoorqoor inuu si dhaqsi ah u soo gudbiyo liiska Xubnaha Galmudug.

“Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin. Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka a ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray afhayeenka.

Dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey soo magacaabay bedelka xubnaha cabashada laga gudbiyey. lamana oga illaa hadda sababta madaxweynaha Galmudug u soo magacaabi waayey xubnaha laga sugayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -