Dagaal xoogan oo ka socda magaalada Jowhar iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Hirshabelle iyo maleeshiyaad hubeesan oo macawiisley ah.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna dagaalka ka socda qeybo kamid ah xaafada Hanti Wadaag ee katirsan magaalada Jowhar.

Dagaalka ayaa wararka qaar sheegayaan in ay soo qaadeen kooxda Macaawiisley oo dhawaan laga xiray taliyaashooda, waxaana dagaal kala hortagay weerarka kooxdaasi ciidamada maamulka Hirshabelle oo adeegsanaya gaadiidka dagaalka.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Jowhar, shacabka ku dhaqan xaafadaha lagu dagaalamayo ayaa qaarkood bilaabeen barakac, waxaana magaalada laga dareemayaa xaalad adag oo cabsi badan.

Maamulka Hirshabelle ayaan wali ka hadlin dagaalka ka socda magaalada Jowhar, waxaana dagaalkan imaanaya xili magaalada Jowhar wadooyinka soo gala ay xiran yihiin ayna go’doomiyiin fatahaada biyaha wabiga Shabelle.

Waxii kusoo kordha dagaalkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -