Beelaha Hawiye oo ku gacan seyray muddo kororsiga Farmaajo, digniin adagna soo saaray

Shirweyne ay iskugu yimaadeen beelaha Hawiye oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sharci darro ka dhigay muddo kororsigii Maxamed C/llaahi Famraajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirka oo ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, Musharxiiinta iyo qeybaha kala duwan beesha ayaa lagu diiday muddo kororsiga sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay shirka.

“Inay sharci darro tahay muddo kororsiga qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhamaaday u kordhiyeen Madaxweynihii hore ee muddo xileedkisiu dhammaaday, sidaas darteed shirweynuhu Madaxweyne uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka oo si cad loogu sheegay in laga hortegayo muddo kororsigaasi.

Shirweynaha ayaa loogu digay agaasimaha NISA, Taliyaha Booliska iyo Taliyaha ciidamada Dhulka oo si gaara ugu shaqeynaha muddo kordhinta Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale waxa lagu sheegay War-murtiyeedkaan in si dalka loo bad-baadiyo ay shir deg-deg ah isugu imaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada, kaasoo uusan goobjoog ka aheyn Farmaajo, si dalka uu doorasho u aado.

“Shirweynaha waxa uu ka digaya cawaaqib xumada ka dhalata muddo kordhinta sharci darrada, wuxuuna cadeynayaa in mas’uuliyada ay qaadayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo guddoonka golaha shacabka.” ayaa lagu yiri War murtiyeedka.

Waxaa shirweynaha ka qeyb galay Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, siyaasiyiinta Mucaaradka, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -