Mid ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka dhoofay (Sawirro)

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel-gaarka ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed kedib safar muddo qaatay oo uu ku joogay magaaladda Muqadisho.

Lafta Gareen iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa Muqdisho u joogay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Arimaha Doorashooyinka, kaasoo ay ka qeyb galayeen Madaxda Qaranka, Shanta Maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.

Lama oga illaa sababta uu Laftagareen ugu laabtay Baydhabo xili madaxda dowlad goboleedyada kale ee dalka ay weli ku sugan yihiin Muqdisho, iyadoo beesha caalamku ay sheegtay in madaxda shanta dowlad goboleed aysan ka bixin caasimada illaa xal laga gaaro khilaafka doorashooyinka.

Kulamo muddo muddo bil ka badan uga socda Muqdisho madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu fashilmay in xal looga gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka oo weli taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -