Midowga Musharixiinta oo ka hadlay waxyaabihii ka dhacay Golaha shacabka

Midowga Musharixiinta ayaa mar kale ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu gadaal ka riixayo muddo kororsi sharci daro ah, iyagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara arrintaas

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in hagar-daamooyin ay soo gaareen doorashooyinka, taasoo uu xusay inuu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“Farmaajo waxaa uu hor istaagay wax kasta oo sahli karay inay dalka doorasho ka dhacdo” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa dhinaca kale ka hadlay kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee buuqa iyo fowdada ku soo dhammaaday, kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay diideen in la furo kulanka Golaha.

Waxaa uu sheegay in aan la joogin xiligii Madaxda dowladda muddo kordhin loo sameeyn lahaa, isla markaana Xildhibaanada Maanta ay ka war heleen qorshe lagu damacsan yahay in muddo kororsi la sameeyo, taasoo uu ku sheegay inaan la aqbali doonin.

Dhinaca kale, waxaa ay faahfaahin ka bixiyey kulankii gaarka ahaa ee ay maanta la qaateen Madaxda shanta dowlad Goboleed ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Geelle ayaa xusay in Madaxda dowlad Goboleedyada ka codsadeen in howlaha amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday si aysan u soo laabanin dhibaatadii dhacday 19-kii Febraayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxda dowlad Goboleedyada la wadaageen dareenka ay ka qabaan xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo doorashooyinka khilaafku ka taagan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -