Gudoomiyaha Aqalka sare oo Qoraal diray Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyad

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi  ayaa qoraal uu ku dalbanayo in aan la fara galin doorashada Xildhibaanada labada aqal ee Gobolada Waqooyi u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Qoraalka uu soo saaray Gudoomiyaha Aqalka sare ayuu ku dalbaday in ay si madax banaan doorashada u maamulan Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi sidoo kale iyagu qorsheeyaan goobta lagu qabanayo doorashada iyo cida amaankeeda sugeysa.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Cabdi Xaashi in aysan jirin wali wax heshiis ah oo laga gaaray khilaafka guddiga doorashada gobolada Waqooyi, waxa uuna xusay in aysan jirin reer Waqooyi is heesta balse faragalin ku hayaan dad doonaya in Farmaajo dib loo doorto.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Cabdi Xaashi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -