Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/Shakuur oo eedeeyey Wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa eedeyn kulul u jeediyey beesha caalamka xili dalka uu galay xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Waxaa intaas ku daray in beesha caalamka ay u muuqato kuwa waqti lumis ah xagal daacinaya, isla markaana aysan weli waayo aragnimo ka helin dhammaan shirarkii siyaasadeed ee uu fashiliyey Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday.

C/raxmaan C/shakuur ayaa intaas ku daray in Haddii aan laga waantoobin talladaas ay masuuliyaddaas qeyb ku yeelan doonaan beeeha caalamka, iyaguna ay sameyn doonaan tallaabooyin iyo ficillo cad-cad maadaama buu yiri weli indhaha laga qabsanayo sida Farmaajo u doonayo muddo kororsi

Dhinaca kale, Madaxwyenihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan qaadi karin wax tallaabo ah, isla markaana ay ka dhamaatay sharciyadii uu dalka ku maamulayay.

Sheekh Shariif oo sii hadlay ayaa uga digay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya in siyaasad loo adeegsado, waxaana uu ugu baaqay in aysan qaadan amar qaldan oo ay faraan Madaxda mudada xil-heyntooda uu ka dhamaaday.

Labada musharax ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay maanta iskugu yimaadeen midowga musharaxiinta oo looga arrinsanayey xaalada adag ee dalku galay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ka dhamaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa, iyadoo uusan jirin qorshe doorasho oo heshiis lagu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahad Salaad: “Al-Shabaabka dilay Ikraan Tahliil waa Fahad Yaasiin”

Caydiid Ali

Shirkada Somtel oo soo kordhisay adeeg cusub oo farxad galiyay shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Xildhibaan sheegay in Maamuuskii uu mudnaa aaska Janaraal Galaal in aan loo sameyn

Cabdi Cade
Taboola Ads ---