Kenya oo markii ugu horeysay ka hadashay dagaalkii ka dhacay Belad-xaawo

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”

Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.

Kenya, oo aan si toos ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “soo hubeysay jabhad fallaago ah” ayaa ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo.

Wasiirka Warfaafinta dalwadda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta inay ciidanka dawladdu jebiyeen “jabhaddii fallaagada” ee soo weerartay.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu sheegay in maxaabiis badan lagu qabtay dagaalka, islamarkaana ciidanka dawladdda ay gacanta ku hayaan magaalada Beled Xaawo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KENYA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -