Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa looga hadlay dar-dargalinta hannaanka doorashooyinka, sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada Hirshabeelle.

Ra’iisul wasaaraha Rooble ayaa kala hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen sidii dib u heshiisiin ballaaran looga sameeyn deegaanadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay isla soo qaadeen RW Rooble.

“Waxaan maanta kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxaana kulankaan uga hadalnay Dardargalinta Hannaanka Doorashooyinka, Sugidda Amniga & Horumarinta Deegaannada Hirshabeelle” ayuu yiri Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -