Musharaxiinta oo kulan deg deg ka yeelanaya go’aankii ka soo baxay RW Rooble

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa shir degdeg ah isugu imaanaya, iyagoo ka jawaabaya hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Somalia ee ahaa in wixii hadda ka dambeeya la guda geli doona hirgelinta doorashooyinka iyo hadalkii Madaxweyne Qoorqoor uu ku sheegay iney fashilantay waan waantii uu waday.

Musharaxiinta qaarkood oo safar ugu maqnaa magaalada Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxayna qorsheynayaan go’aankii ay ka qaadan lahaayeen hadalada ka soo yeeray Raisul Wasaaraha.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Qoor-qoor inuu ka been sheegay waan-waantii uu waday ee la xiriirtay arrimaha doorashada iyo xalinta khilaafka ka taagan.

“Arinta naga yaabisay waxay tahay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey ayaan sugeynay, jawaab nooga timid Qoor Qoor ma jirto illaa hadda,” ayuu yiri afhayeenka Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka wuxuu sheegay ineysan suuragal aheyn boob lagu sameeyo doorashada, islamarkaana ay tahay wax aan qurux badneyn in dowladda Soomaaliya ay qaadato go’aan aan loo dhameyn oo abuuri kara qalalaase siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -