Kim Jong-un oo fariin dhega-hadal ah u diray Madaxweynaha cusub ee Maraykanka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuusan rajo ka qabin Washington inay badasho siyaasadeeda ku wajahan Pyongyang Madaxweyne kasta oo xafiiska yimaada.

Ninka cusub ee hadda loo doortay hogaanka Maraykanka ma filayo inuu la yimaado isbedel waxtar leh, sida aan uga baranaya hogaamiyeyaashii ka horeeyey” ayuu yiri Kim oo la hadlay baarlamanka dalkiisa.

Kim wuxuu balan qaaday in la balaarin doono hubka Nukliyerka Kuuriyada Woqooyi iyo awoodaha militariga. isagoo sheegay in qorshaha ku saabsan nukliyeer badda hoostiisa uu dhammaad ku dhow yahay.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu isku diyaarinayo inuu xafiiska la wareego.

Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in hadalada Mr Kim ay yihiin dadaal lagu doonayo in cadaadis lagu saaro dowlada imaaneysa, iyadoo Mr Biden lagu wado in la dhaariyo 20 Janaayo oo todobaadyo ay inaga xigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -