Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada oo u digay taliyeyaasha Saldhigyada

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo maanta xilka la wareegay ayaa digniin adag u diray Saraakiisha Ciidanka Booliska ee ka howlgalla saldhigyada.

Taliyeyaasha saldhigyada ayuu sheegay in looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkamada Ciidamada

Sidoo kale, waxaa uu xusay in looga baahan yahay inay hubiyaan galka iyo marqaatiyada dadka la soo qabto si waafaqsan sharciga dalka u yaalla, taasoo uu sheegay haddii aysan dhicin iney marin habaabin karto xukunka maxkamada.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay inuu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa adeeg caddaaladeed oo tayaysan ayna ku qanacsan yihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -