Axmed Madoobe oo khudbad kulul oo xasaasi ah ka jeediyey Shirka Garoowe

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad ka jeediyay madasha aragti wadaaga Heritage oo laga daah furay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Axmadoobe ayaa si qoto dheer uga hadlay xiliga kala guurka ah iyo caqabadaha ku xeeran isagoo si furan uga hadlay salka khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ee la xiriira arinta Gobolka Gedo.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in xiligan kala guurka ah ay tahay in la helo xal khatarta ka saari kara dalka hadii la waayana ay noqonayso in dhibaatada ka dhalata ay saamayso Dib u dhiska dalka.

Marxaladda doorashada ee xilligan dalku wajahayo ayuu Axmed Madoobe soo jeediyey in madaxda dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalku ay wadatashi iyo isu tanaasul ku wajahaan, ayna ku heshiiyaan waddo cad, ka hor inta aanu waqtigu dhammaan, ayna mar walba ka wada fariistaan wixii khilaaf ah, xitaa haddii ay kalifayso inay kulmaan bishiiba 2-mar.

Waxa uu musharixiinta u soo jeediyey inay ka fiirsadaan hadallada xasaradda iyo xasilooni darrada abuuri kara, si looga fogaado amni darro, “Waxaan leeyahay musharixiinta meel aan ha hadhow laga soo celin karin ha gaarsiinina” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu xusay inay ahmiyad Qaran leedahay in dawladda soo socota loo sii diyaariyo ajandayaasha shaqo ee leh ahmiyadaha ugu horreeya, si ay mudda xileedkeeda uga shaqayso dhammaystirka Dastuurka, in dalka laga nadiifiyo Al-shabaab iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayuu Axmed Madoobe kaga hadlay si adag, isagoo xusay in wax badan la siyaasadeeyey, isaguna uusan marnaba ka hadal kiiska badda uuna u arko mid u yaal dawladda Federaalka, uusana ka soo horjeedin danta Qaranka, balse uusan qabin in xiriirka loo jaro Kenya marka la eego danaha isaga keen xiran.

Axmed Madoobe oo khudbadii ugu kululeyd ka jeediyey shirka ayaa si kulul u weeraray siyaasada DF ee gobolka Gedo.

“Haddii Farmaajo oo musharax ah uu qaatay 16kii kursi ee gobolka Gedo, maan iska deyno sanaadiiqda iyo doorashada faraha badan ee la qabanaayo, oo intaan qorano xisbiga hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed u laabano sanadkii 1986 oon sanduuqii jaalaha ahaa een daloolin kii buluuga ahaa maan Madaxweynaha ugu barakeyno” ayuu yiri Axmed madoobe oo si caro leh u hadlaayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -