Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Xiisad wali taagan

Dagaal  u dhaxeeyay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo ciidamo kale oo booliis ah ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka xarunta degmada.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo milatari ah oo ka amar qaata Saraakiil katirsan milatariga oo dowlada baadi goobeyso weerar ku qaadeen ciidamo booliis ah oo ka howlgala degmada Kaaraan.

Ciidamada milatariga oo watay gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa dagaalka ku dilay sadex askari oo katirsanaa ciidamada booliiska ka howl galayay Degmada Kaaraan, waxa ayna horey usii qaateen ciidamada hubkii ay wateen.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamado ilaalo ka ahaa xarunta degmada Kaaraan ay ka carareen xarunta kadib markii aagaasi soo galeen ciidamada milatariga ee ka amar qaata saraakiisha la baadi goobayo.

Xaalada degmada Kaaraan ayaana ah mid wali kacsan, waxaana aaga dagaalka ka dhacay ka laabtay ciidankii milatariga oo galay xaafado katirsan degmada Kaaraan iyo duleedka degmadaasi, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale ka dhaco degmadaasi.

Ciidamada Haramcad oo dhawaan weerar ku qaaday guriga sargaal lagu magacaabo Masdile oo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan sargaalkaasi , waxa ayna soo xireen ciidamo ilaalo u ahaa sargaalkaasi.

Degmada Kaaraan ayaa waxaa ciidamo badan ku aruursanaya saraakiil katirsan ciidanka milatariga balse u abaabulan qaab beeleed, kuwaa oo ku dagaalamay degmada Kaaraan dhawaan, saraakiishan ayaana waxaa ku raad joogta dowlada oo dooneysa in lasoo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -