Buundada isku xirta Koonfurta & bartamaha Somalia oo qarka u saaran iney go’do (Daawo Sawirro)

Buundada degmada Buulo Burde ee dul marta Webiga Shabelle ee dhinac mara degmadaas ayaa hadda qarka u saaran iney dunto ka dib markii ay saameysay fatahaada uu webiga Shabelle sameeyey.

Biyaha webiga ayaa ka sare maray halka ay maraan gaadiidka iyo dadka ee buundadan oo la dhisan muddo dheer dacaytirna aan helin 28kii sano ee dalku uu ku jiray fowdada iyo dagaalada.

Waxay buundadan isku xirtaa gobolada koonfurta iyo bartamaha Somalia, waxaana haddii ay jabto ka dhalan kara inuu kala go’o socodka gaadiidka rakaabka iyo kuwa ganacsiga ee u kala goosha labada qeybood.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda howlo samafal oo lagula tacaalayo saameynta ka dhalatay webiga shabelle oo ku fatahay magaalada B/weyne iyo degaano kale qoysas kumanaan gaaraya ayaa ku barakacay fatahaadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -