Dowlad goboleedyo soo gudbiyey xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashooyinka

Muddadii 10-ka cisho aheyd ee loo qabtay in Madaxda dowlad Goboleedyada ku soo magacaaban xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa dhamaatay, kuna ekeyd shalay.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo go’aamiyey in labada Guddi la soo magacaabo laga bilaabo 10 illaa 20 bishan Oktoober balse illaa hadda lama hayo cid si rasmi ah loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo ka hor qoraal u diray madaxda Maamul Goboleedyada, kaasoo looga codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada Guddi doorasho iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Saddex maamul Goboleed ayey warar soo baxaya sheegayaan iney illaa hadda soo gudbiyeen xubnaha u metelaya Guddiyadaas, kuwaasoo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin, waxayna wararku intaas ku darayaan in Puntland iyo Hirshabelle ay saacadaha soo socda soo gudbinayaan magacyada xubnaha ku metelaya guddiyadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -