Somtel oo haqabtirtay Baahida Internetka ee Koonfurta Soomaaliya (Sawirro)

17 Bishan october ayey cilad ku timid internetkii laga isticmaalayay koonfurta Soomaaliya marka laga reebo shirkadda isgaarsiinta Somtel oo internetkeeda si hagaagsan u shaqeeynayay sedexdii cisho ee la soo dhaafay.
 
Iyadoo shirkaddu arinkaan uu ka caawiyay xarigga fiber optic DARE 1 oo ay dhawaan ka hirgelisay Soomaaliya.
 
Xarigga fiber optic DARE1 waxaa si wadajir ah isaga kaashaday shirkadda isgaarsiinta Somtel & shirkadda Jabouti telecom.
Shirkada isgaarsiinta Somtel oo maalmahan ku Howlaneyd Xalinta Caqabada internet la’aanta soo wajahday bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta Soomaaliya.
 
Gudoomiyaha Dahabshil Group Koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya mudane: Xasan Cabdi Cawad oo shir jaraa’id uu kaga hadlayo cilada internetka soo laalaabatay ku qabtay Muqdisho isagoo Tafaasiil dheeri ah ka bixiyay .
 
” Somtel waxa ay ka jawaabtay baahida internetka bulshada soomaaliyeed sedexdii cisho ee la soo dhaafay internet-ka ka maqnaa gobolada koonfurta & bartamaha soomaaliya marka laga reebo internetka somtel oo bulshada soomaaliyeed si toos ah ay u istcmaalayeen”.
 
Waxa uu intaas ku daray Mareeyaha Dahabshil Group mudane xasan cabdi cawad
 
“Marka laga soo tago isticmaalka Adeega Internetka ee Shirkada Somtel Xarigan DARE1 waxaa ka faa’ideystay qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiin ee dalka waxaana Gudoomiyaha uu balan qaaday in cid walba oo inetrenet ubaahan ay siinayaan.”.
 
Isku soo wada duuboo ciladaan go’itaanka internetka soo laalaabatay ayaa la filayaa in xarigga Fiber optic DARE1 uu ka qeyb qaato joogteynta adeegga internetka guud ahaan gobolada dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -