Dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika iyo dadaalo lagu daminayo oo socda (Sawirro)

Dab xoogan oo wali la ogeyn waxa sababay ayaa ka kacay buurta ugu dheer qaarada Afrika ee Kalimanjaro oo kutaala dalka Tanzaaniya, waxaana hada socda dadaalo lagu doonayo in dabkaasi lagu damiyo.

Dowlada Tanzaaniya ayaa sheegtay in ay wadaan dadaalo xoogan ay ku doonayaan in lagu damiyo dabkaasi si uusan saameyn ugu yeelan dadka kunool deegaanada ku dhaw dhaw buurtaasi loo dalxiiska tago.

Warbaahinta dalka Tanzaaniya ayaa ku warantay in holaca dabka ka kacay buurta laga arkayo goobo fog fog, waxa ayna warbaahinta sheegeen in dadka deegaanka isku dayeen daminta dabkaasi balse ku guul dareesteen.

Buurta Kalaminjaro oo aad u dheer ayaa la sheegay in caqabad ku noqotay dadka deegaanka in si fudud ku damiyaan, waxaana dowlada saraakiil ka socota oo goobta tagay bilaabeen xal u helida dabkaasi.

Kalaminjaaro waa buurta ugu dheer qaarada Afrika ,  waxa uuna dhererka buurtaasi gaarayaa 5,895 mitir (19,340ft), buurtan ayaana kamid ah goobaha loo dalxiiska tago ee kuyaala dalka Tanzaaniya.

11.10.2020, Tansania, Kilimandscharo: Hell scheinen die Falmmen eines Feuers auf dem Kilimandscharo. Auf dem Kilimandscharo ist ein Feuer ausgebrochen. Rettungsdienste versuchten, das Feuer auf dem mit 5895 Metern höchsten Berg Afrikas zu löschen. Foto: Thomas Becker/dpa +++ dpa-Bildfunk +++

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -