Dab caawa qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa ganacsiga degmada Wanle-weyn (Sawirro+Video)

Dab ayaa la soo sheegayaa inuu caawa ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmadaas.

Dabka ayaa saameeyey goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa, waxaana jira khasaare Maaliyadeed oo ka dhashay dabkaas.

Gaadiidka dab demiska ayaysan laheyn degmada Wanle-weyn iyo degaanada ku dhow taasoo adkeysay deminta dabkan.

Shacab fara badan ayaa gaaray suuqa kuwaasoo qaarkood ka qeyb qaadanaya sidii loo bakhtiin lahaa dabkaas, iyagoo adeegsanaya biyo iyo ciid.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn sababta dhalisay dabkan.

DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -