Inta badan Safaaradaha Soomaaliya oo Qarka u saaran in ay xirmaan iyo Sababta keentay (Akhriso Cadeymo)

Safaaradaha Soomaaliya ee kuyaala caalamka qaarkood ayaa qarka u saaran in ay xirmaan ,kadib markii laga jartay qarashaadkii socodsiinta adeega safaaradaha (RUNNING COST) oo bil kasta la siin jiray safaaradaha .

Warqad cabasho ah oo safaaradan dhoor mar u dileen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya kuna dalbanayeen in la siiyo qarashaadka adeega ee u baahan yihiin safaaradaha ayaan looga soo jawaabin.

Danjirayaasha iyo Qunsuilada Soomaaliya u jooga in ka badan 20-Wadan oo warqadan hoos ku xusan u diray Wasiirka Arimaha Dibadda ayey ku sheegeen in shaqooyinka safaaradaha socon la yihiin ayna mushaar la’aan yihiin shaqaalaha safaaradaha mudo dhoor bil ah.

Safaaradahan ayaa sidoo kale sheegay in qarashkii adeegga ama socodsiinta howlaha Xafiisyada sanadkii hore 2019-kii qaarkood ka maqan yihiin ayna hada ugu darsantay sanadkan oo bilooyin badan ka maqan yihiin.

Bajadka Dowlada oo ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku jira qarashaadka ku baxa Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalka dibadiisa, lamana oga cida ay ku maqan tahay lacagahan safaaradaha xaqa u lahaayeen balse aan la siin.

Danjirayaasha iyo qunsulada lacagaha badan ka maqan yihiin ayaa hada kasii niyad jabsan xiligan kala guurka ah , waxa ayna ka cabsi qabaan in lacagihii lagu socod siin lahaa shaqooyinka safaaradaha in loo adeegsado ololaha doorashada.

Halkan ka AKhriso mid kamid ah qoraalada cabashada ee Danjirayaasja direen balse aan wali looga soo jawaabin.

- Advertisement -