Ilhaan Cumar oo sheegtay in Trump uu Maraykanka u maamulo sida ilmo 8 jir ah oo kale

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congareska Mareykanka ayaa ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu dalkaasi u maamulay sida cunug siddeed jir ah oo kale.

Waxay ka jawaabeysay hadalkii Mr Trump uu xalay ka sheegay ololihiisa doorashada, isagoo yiri: “Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, Waxaad noo sheegeysaan sida loo maamulo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaad ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna.”

Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay kaga jawaabtay hadalka Trump: “Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana xubin ka ahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale.”

Sanadkii 2016, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona November.

Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -