Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si adag uga hadashay Doorashada Somalia fariina u dirtay Beesha Caalamka

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda maamulka Somaliland ayaa looga hadlay doorashada Soomaaliya ka dhaceysa ee dhawaan ka heshiiyeen Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Somaliland ayaa sheegtay in ay tahay dal madax banaan wax shaqo ahna aan ku laheyn doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen shacabka Somaliland in ay ka feejignaadaan hagardaamada iyo ku xadgudubnka Madaxbanaanidooda.

Wasaarada arimaha Dibadda Somaliland War saxaafadeedka kasoo baxay ayaa sidoo kale loogu sheegay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka in aysan wax shaqo ah ku laheyn Somaliland doorashada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Somaliland kasoo baxay

Related posts

Labo ruux oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Sunne oo Shaaciyay in uu ku biiray Al Shabaab kana hadlay halka uu joogo

Cabdi Cade

Ciidamada Ruushka iyo Shiinaha oo wadajir u sameyey dhoolatus Milateri (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---