Wasiir Fiqi: “Galmudug ma jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso”

Wasiir amniga Galmudug ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in maamulkiisa uu janjeero dhinaca DF, uusana dhexdhexaad ka aheyn shirka Dhuusamareeb.

“Madaxda Galmudug waxay dadaal xooggan iyo xiriiro joogto ah ku bixinayaan sidii Shirka lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda dalka looga soo wada qeybgali lahaa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxaa uu intaas ku daray in maamulka Galmudug ka go’an tahay ka miro dhalinta shirka Dhuusamareeb 3.

“Galmudug gogosha taalla waa mid Soomaaliyeed, kuna soo aaday waqti xasaasi ah oo kalsooni xumo badani ay jirto, balse marxalada dalku marayo iyo waqtiga la joogaba waxay waajibinayaan In isu tanaasul, wadatashi iyo wada-oggol looga gudbo lana wada yimaado Shirka Dhusamareeb 3” ayuu sidoo kale xusay.

Wasiir amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi waxaa uu xusay in Galmudug ay xaq u leedahay iney qaadato go’aano siyaasadeed balse aysan jirin dhinac ay u janjeerto.

“Dawladda Galmudug marka laga reebo mawaaqifteeda ka maamul ahaan oo ay xaq u leedahay, waxay u dhexaysaa madaxda ku ballantay Shirka Dhusamareeb 3 mana jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Fiqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -