Wasiir aas Qaran loogu sameeyey Garowe iyo Axmed Karaash oo ka qeyb galay (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa galabta ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariiste Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa faray Wasaaradda Cadaaladda iyo Madaxtooyada in ay la socdaan hadii ay jirto wax deyn ah oo lagu leeyahay marxuumka si loo bixiyo.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday bulshada in lasoo cafiyo marxuumka, isagoo alle uga baryay inuu geeyo jannatul fardowsa ehelkii iyo qoyskiisina samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

Waxaa sidoo kale ka qeyb aaska, Wasiiro, Masuuliyiin, Xildhibaano saraakiil iyo dadweyne fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -