Xannuunka Coronavirus oo laga helay Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka..

Wasiirka arrimaha dibedda ee dowlada Nigeria Geoffrey Onyeama ayaa laga helay xannuunka Covid-19 ee dhibaatada ku haya meelo badan oo caalamka ka tirsan.

Mr. Onyeama ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu isku karantiilay xarun caafimaad.

Wuxuu intaasi ku daray inuu baaritaanka sameeyay kadib markii uu isku arkay cuncun dhuunta ah, taasoo ah mid ka mid ah calaamadaha fayraska Korona.

Geoffrey Onyeama waxaa uu xubin ka yahay guddiga dowladda Nigeria u qaabilsan ka jawaab celinta Coronavirus.

Nigeria ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee uu saameeyey cudurka Coronavurus, waxaana dalkaas ugu dhintay dad fara badan, halka qaar kalena ay la ildaran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -