Madaxweyne Trump oo caawa ku dhawaaqay go’aan muddo dheer looga digayey

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka ka baxay heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran.

Mr. Trump waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn hor leh ku soo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto.

Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah oo aan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyuklerka, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kadib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska.

Hogaamiyeyaahsa dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa muddoyinkii dambe waday dedaalo ay ku doonayeen in Madaxweyene Trump uusan ka bixin heshiskaasi.

Balse waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -