Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa iska bedelay xaalada B/weyne oo maalmahan ay buuxeen biyo fara badan? (Daawo Sawirro)

Qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Baled-weyne ee gobolka Hiiraan oo maalmo ka hor biyo fara badan ay buux dhaafiyeen ayaa hadda la soo sheegayaa in xaalkeedu soo hagaagayo.

Biyahan oo ka dhashay fatahaad uu sameeyey webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara ayaa meelaha qaarkood ka guray halka meelo kalena jooga biyaha uu aad u hoos ugu dhacay.

Sawirro laga soo qaaday Magaalada Baledweyne ayaa muujinaya hoos u dhac ku yimid biyihii magaalada dhex buuxay oo meelaha qaar joogoodu uu dhaafay illaa hal mitir.

Shacabka Baledweyne intooda badan ayaa weli ka maqan Magaalada gudaheeda iyagoo maciin biday duleedyada Baledweyne oo ay daadsan yihiin, iyadoo dhibaatada ugu daran ee heysata ay tahay hoy la’aan.

Isbedelka ka muuqda Magaalada B/weyne ayaa rajo badan geliyey dadweynaha ka barakacay, inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta fatahaad cusub oo laga cabsi qabo inuu sameeyo webiga Shabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laami Muqdisho ku yaalla oo laga sameeyey Nadaafad aan horey loo arag (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Weerarka qorsheysan ee Xamaas oo fashil iyo waji gabax ku noqday Sirdoonka Israel

Caydiid Ali

Wasaaradda Amniga oo si adag u Beenisay War lagu baahiyay Baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---