Ra’isul Wasaare Caan ah oo shaaciyay in Osama Bin Ladin uu shahiiday 

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan ayaa markii ugu horeesay shaaciyay in Hogaamiyihii kooxda Al Qaacida Osama Bin Ladin oo ay dileen ciidamo Mareykan ah in uu shahiiday.

Imran Khan ayaa xili uu khudbad kahor jeedinayay Baarlamaanka  Pakistan ayaa sheegay in Osama bin Ladin uu ahaa shahiiid, waxa uuna khalad dhacay ku tilmaamay in Pakistan  iskaashi la sameesato dowlada Mareykanka.

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Mareykanka aysan kusoo wargalin dowlada Pakistan xiligii ciidamada Mareykanka gudaha Pakistan ka fulinayeen howlgalkii lagu dilay Osama Bin Ladin.

“Waxaanu Mareykanka kala shaqeynay dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo ay inooga dhinteen 70 kun oo qof, balse halkan ayay yimaadeen oo waxaa ay dileen Osama, wuu shahiiday, waxayna nagu la kaceen aflagaado iyagoo aanan nagu wargelinin hawlgalka,” ayuu yiri Imran Khan.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaardaka Pakistan ayaa dhaliilay hadalka kasoo yeeray  Ra’isul Wasaare Imran Khan ee ahaa in Osama Bin Ladin uu shahiid ahaa, waxa ayna sheegeen siyaasiyiintan in Osama dalkooda kusoo hagaamiyay argagaxiso.

Hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Pakistan ayaana buuq badan ka abuuray gudaha Pakistan iyo baraha bulshada, waxaana hadalkan siyaabo kala duwan uga hadlay shacabka Pakistan oo qaarkood dhaliilay halka kuwa kalana shahiid ku tilmaameen Osama.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -