Akhriso: Xeerarka Metelaadda G/Banaadir, Doorashada xubnaha G/Waqooyi & qoondada haweenka

Guddiga wadajirka labada aqal ee diyaarinta xeerarka & Dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa maanta Xildhibaanada Baarlamanka Somalia u qeybiyay afarta xeer oo loo saaray inay soo diyaariyaan.

Xeerarka la qeybiyey ee qabyada ah ayaa kala ah: habka nidaamka doorashada xubnaha gobolada Waqooyi ee Somaliland, xaqiijinta qoondada haweenka, mataalada gobolka Banaadir iyo xeerka asteynta iyo daadajinta kuraasta Baarlamanka.

Guddiga oo ka hadlaayey Xeerka Nidaamka doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ayaa sheegay inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro arrinta Gobolada Waqooyi ay xubnaha Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ay yeelanayaan hannaan gaar ah oo doorasho, waxaana Guddiga isla gartay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Guddiga ayaa dhinaca kale isku raacay in gobolka Banaadir la siiyo 7 kursi oo dheeri ku noqon doona 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay Aqalka Sare ka kooban yahay, waxaana la beddeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka si loo sharciyeeyo.

Qodob la sheegayo inuu dood badan dhalin doono ayuu sidoo kale guddiga xeer ka soo saaray kaasoo ah in kuraasta ay hadda haweenku fadhiyaan ee baarlamanka ay u tartami karaan oo kaliya haween kale, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka oo hadda ah %24, waxaana arrintan ay ka horjoogeysaneysaa ragga ka soo jeeda beelaha haweenka ku fadhiya kuraasta ineysan isa soo sharaxi karin.

Kuraasta Baarlamaanka Federaalka oo markii hore hab qabiil u asteysnaa Xildhibaan walba lagu yaqaanay kursiga uu beel ahaan ku matalo ayaa hadda loo bedelay Nambaro lagu garto kursiga Baarlamaanka oo ay yaqaanaan Xildhibaannada kaliya sida guddigu sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -