Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada labo dil oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahano hubeesan oo kooxdooda katirsan saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan dilal uga geesteen magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dabley hubeesan oo kooxdaasi katirsan xalay fiidkii weerar ka geesteen xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid ku dileen sargaal ay sheegeen in uu katirsanaa Maxkamadaha dowlada.

Ninkan Al Shabaab dileen ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Raxmaan Xaaji Cali , waxaana warbaahinta Al Shabaab baahisay in ninkan markii la dilay kadib laga qaatay gaari nuuca raaxada ah uu watay.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerar kale  oo ka dhacay xaafada Kaawo Godey ee degmada dharkeenley ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jilibey.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaana ka hadlin dilalkan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan Al Shabaab sheegtay in ay fuliyeen  kusoo aadaysaa xili amaanka caasimada mudooyinkii lasoo dhaafay uu soo hagaagayay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -