Villa Somalia: “Shaqada Qaranka u hakan mayso laba Xildhibaan oo firimbi ku hubeysan”

Madaxtooyada Somalia ayaa War ka soo saartay buuq maanta ka dhacay muddo kooban  Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu si rasmi ah uga furmay kalfadhiga todobaad ee labada aqal ee Baarlamaanka.

Madaxdaweynaha Soomaaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 7aad ayaa intii ay socotay khudbadiisa la kulmay carqaladeyn kaga imaneysay qaar ka mid ah xildhibaannada oo kala hortagay qeylo iyo sawaxan. Qaarkood ayaa yeerinnayay firinbi, halka kuwo kalana ay ku qeylinayeen inuu waqtiga ka dhamaaday.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed oo falkii ay maanta ku kaceen xildhibaanada mucaaradka ku tilmaamay mid qeyb ka ah horumarka ay gaartay dimoqraadiyada Somalia.

“Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya heerar kala duwan ayuu soomaray. Waxaa jirtay xilli kala aragti duwanaashaha lagu xallin jiray qori caaraddiis, maantase waxay mareysaa in firimbi loo yeeriyo marka Madaxda laga aragti duwanaado. Waa horumar runtii loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xusay in labo Xildhibaan oo ku hubeysan Firimbi aysan u joogsaneyn shaqada Qaranka.

“Hayaanka loogu jiro soo celinta haybaddii qarankan uu lahaa waa soconayaa, firimbiguna hakin maayo wixii hoggaamiye kooxeed, burcad diimeed iyo shisheeye intuba hakin waayeen. Hal kalluun ah badweyn ma qurmiyo, shaqada qarankana u istaagi mayso laba Xildhibaan oo firimbi ku hubeysan” ayuu intaas ku daray Cabdinuur Maxamed Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -