Warbaahinta oo loo diiday in ay tabiyaan furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka

Waxaa maanta lagu wadaa in Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo furo kalfadhigii ugu dambeeyay ee yeeshaan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Furitaanka kalfadhigan ugu dambeeya ayaa waxaa isku diyaarinayay in ay ka qeyb galaan soona tabiyaan khudbadaha munaasabada furitaanka laga jeedinayo Warbaahinta Madaxa banaan ee Muqdisho kutaala.

Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wargaliyay Warbaahinta Madaxa banaan in aysan kasoo qeyb gali karin furitaanka kalfadhigan sabababo lagu sheegay cudurka Covid-19 ogwiis.

Warbaahinta afka dowlada ku hadasha kaliya ayaa loo ogolaaday in ay ka qeyb galaan furitaanka kalfadhiga ugu dambeeya Baarlamaanka federaalka, waxaana Warbaahinada kale loo balan qaaday in khudbadaha Email loogu soo diri doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in si rasmi ah u furo kalfadhiga ugu dambeeya ee Baarlamaaka federaalka, waxaana aad loo dhoorayaa khudbadaha Madaxweynaha gaar ahana ka hadalka doorashada .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -