Maxkamada ICJ oo diiday dalab halis ah oo Kenya ka gudbisay dacwada Badda

Maxkamada ICJ ayaa diiday dalab ka yimid Kenya oo ku jiray codsigii ugu dambeysay ee ay u dirtay maxkamadda kaasoo ay ku dooneysay in hakin aan waqti go’an lahayn lagu sameeyo dhageysiga kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Qoraalka Kenya oo ku taariikheysnaa 24-ka April ayay ku dalbatay in kiiska si rasmi ah loo joojiyo sababo la xiriira cudurka Coronavirus, waqti cusubna aan loo qaban tan iyo inta uu cudurka Coronavirus aduunyada ka dhamaanayo.

“Kenya waxa ka codsaneysaa Maxkamadda inay hakin aan waqti lahayn ku sameyso kiiska, islamarkaana u ogolaato dhinacyada iyo maxkamadda inay waqti cusub ku heshiiyaan marka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu si rasmi ah ugu dhowaaqo inuu dhamaaday cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri warqadda Kenya.

Maxkamadda ayaa ogolaatay codsiga dib u dhigista kiiska ee Kenya soo jeedisay, balse waxay diiday inaan waqti cusub loo qabanin dacwada, iyadoo go’aamisay in bisha Maarso ee 2021 dib loo billaabo dhegeysiga dacwada.

Cudurka Coronavirus ayaa laga yaabaa inuusan dunida ka dhamaanin labada sano ee soo socota sida ay sheegeen khubaro ka tirsan WHO, waxayna Kenya dooneysay in mudadaas iyo ka badan aan la isku soo hadal qaadin si ay u hesho madax Soomaali ah oo danaheeda u fuliya, si ka duwan madaxda hadda heysa talada dalka oo laf dhuun gashay ku noqday.

Madaxda Soomaalida inkastoo ay Mowqif adag ka qaateen dacwada haddana waxaa lagu eedeeynayaa ineysan galaangal badan ka sameynin sidii looga hortegi lahaa codsiga Kenya ee dib u dhigista dacwada oo markii 3aad ay aqbashay Maxkamada ICJ.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -