Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo duqeymo lagu dilay

Duqeymo loo malaynayo iney fuliyeen ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa DF ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Jubaland

Saraakiil ka tirsan ciidamada DF ayaa in duqeymahaas lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab lagana fuliyey degaano ka tirsan Shabeellada Hoose, J/hoose iyo Baay.

“Horjooge magaciisa lagu sheegay Abuu Mucaad iyo ciidan la socday ayaa lagu laayey degaanka Kuunyo barow ee gobolka Sh/hoose kadib markii uu haleelay gantaal dayuurad aga soo riday” ayuu yiri taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo howlgalkaas la socday.

Duqeyn kale oo ka dhacday degmada Jamaame gobolka Jubada Hoose ayuu taliyuhu sheegay in lagu dilay tiro dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii madaafiic lagu asqeeyey dhowr fariisin oo al-shabaab ku leedahay dalkaas.

Duqeyn ayaa iyana la soo sheegayaa in laga fuliyay isla xalay degaanka Buula-fulaay ee gobolka Bay oo ay gacanta ku hayaan al-Shabaab, faahfaahina lagama hayo khasaraha ka dhashay.

Duqeymaha xalay ka dhacay gobolada Bay, Jubada hoose iyo Sh/hoose ayaa kuwii ugu badnaa mudooyinkan ee hal habeen lala beegsado xoogaga Al-Shabaab, ciidamada Maraykanka oo inta badan fuliya weerarada noocan ah ayaan kaa hadlin weli duqeymahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -