Ciyaaryahano caan ah oo dhac yaab leh ka geystay goob ay ka socotay xaflad

Booliiska gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa baadi goob ugu jira laba ka mid ah ciyaaryahanada kubada cagta Mareykanka ee loo yaqaan NFL kuwaasoo lagu eedeeyey inay dhac ka geysteen.

Deandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah oo ku sugnaa meel ay ka socotay xaflad.

Lacag gaaraysa $-12,000 oo caddaan ah iyo saacado qiimahoodu gaarayo £ 25,000 ayaa la sheegay in dadkaasi laga dhacay.

Baker ayaa lagu eedeeyey in uu buntuq la soo baxay, ka dibna isaga, Dunbar iyo nin kale oo wajiga maasakaro guduuddan ku soo xirtay ay bilaabeen in ay dadkii ka urursadaan lacag iyo waxyaabo qaali ah.

Ninka wajiga ku soo qarsaday maskaraha guduudan ayaan wali la aqoonsan. Baker ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu dalbaday in la toogto qof marqaati ahaa, laakiin ninka wajiga maaskaraha guduudan ku xirtay ma aanu sameyn sidaas.

Haweenay Booliiska u hadashay ayaa sheegtay in masuuliyiintu ay xiriir la sameeyeen madaxda xiriirka cayaaraha NFL iyo qareenka mid ka mid ah ciyaartoyda.

“Dhab ahaantii waxaa jira dadaal ku aadan in ay iyagu isa soo dhiibaan” ayay tiri Tania Rues oo u hadashay Booliiska Miramar, xilii ay u waramaysay wargeyska New York Times.

Sida laga soo xigtay Booliiska waxaa la soo saaray amar xarig. Dhacdada ayaa dhacday ka gadaal markii uu muran ka dilaacay xaflad guri ka socotay, halkaasi oo martidu ku ciyaaraysay turub iyo ciyaaraha Game-ka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -