(Sawirro) Mid ka mid ah Suuqyada waaweyn ee Muqdisho oo laga buufiyey COVID-19

Guddomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray Suuqa labaad ee caasimada ugu weyn ee Suuq bacaad oo laga waday ololaha Magaalada Muqdisho looga buufinayo viruska Covid 19.

Howlaha Buufinta ayaa waxaa wadau shaqaalaha dowlada hoose oo gaadiidka deb demiska adeegsanaya, iyagoo biyo daweynsan oo lagu daray jeermis dile ku buufiyey jidadka Suuqa dhexmara.

Cumar Filish oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen qaar ka mid ah ku-xigeenadiisa iyo masauuliyiin kale ayaa ku amaanay shaqaalaha dowlada hoose sida ay heeganka ugu yihiin gudashada waajibaadka ka saaran ilalainta fayo dhowrka guud ee bulshada, isagoo ugu baaqay iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Guddomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sidoo kale caawa kormeeray xarunta gurmadka deg deg ah ee cudurka Coronavirus, isagoo u kuur galay sida ay u socdaan howlaha xaruntaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -